Kenya oo cadeeystay Naceybka ay Soomaaliweyn u qabto soona bandhigtay Arin fajac leh

Wasiirka arimaha gudaha Kenya Joseph Nkaissery ayaa ka shanqariyay in maalmaha soo socda ay bilaabi doonaan Howlo ay sharciga iyo aqoonsiga shaqada uga qaadi doonaan Soomaalida ku sugan dalkaasi.

Waxa uu wasiirku sheegay in talaabadaasi ay saameyn doonto min ganacsato ilaa iyo guri joog, waxa uuna tilmaamay inaan loo dulqaadan doonin in Soomaalida ay si nabad galyo ah ugu noolaadan Kenya, kuwa u dhashayna ay ku jiraan cabsi.

Waxa uu sheegay in Soomaalida ku sugan Kenya ay badankooda heystaan sharciga dhalashada iyo kan ogolaanshiyaha shaqada hayeeshee ay talaabadaani ula gol leeyihiin xaqiijinta amaanka.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu jiro tuhun ah in 80% Soomaalida Kenya ku sugan ay wada shaqeyn hoose kala dhexeyso Maleeshiyaadka Al-shabaab.

‘‘Waxaan jeclahay inaan fursadan uga faa’iidaysto inaan dadka Kenya ku wargeliyo inay jiraan ashqaas kunool dalkeena Kenya kuwaas oo kujooga sharci shaqo ama la siiyay dhalashada dalka ama deganaansho rasmi ah islamar ahaantaana ka shaqeynaya arrimo ka dhan ah danaha Kenya, khatar wayna ku ah dalka. waxaan rabaa inaan ashqaastan ogaysiiyo inaan faylashooda darsayo si aan talaabada xigta uqaado,’’

Tallaabadaani ayaad moodaa inay tahay arrin loogu mar marsiyoonaayo Ganacsatada iyo dadka kale ee Soomaaliyeed ee mudada dheer ku sugnaa dalka Kenya.


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KOOBAN